4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Dab ka kacay goor dhaw kaalin shidaal magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dab weyn oo goor dhaw qabsadya kaalin shidaal oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Wasaarradda arrimha dibedda Soomaaliya.

Dabka oo ahaa mid aad u weynaa ayaa sidoo kale ku fiday goobo ganacsi oo ka agdhawaan kaalinka shidaalka ee gubanaya, iyadoo dadweyne aad u faro badan isugu soo xoomeen halka uu dabku ka kacay si ay baqtiiyaan.

Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdikariin Dhega-Juun ayaa gaaray goobtaasi dabka qabsaday waxa uuna warbaahinta kula hadlay isla goobtaasi, isaga oo sheegay in khasaare nafeed uusan geysan dabkaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dabka  waxaana soconaya gurmad xoog leh oo la doonayo in lagu damiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]