4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Maayarka Hargaysa oo ka hadlay hanti dhawraha Qaranka oo baadhitaan ka wadda dawlada hoose

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) -Hanti dhawraha qaranka ee Somaliland ayaa baadhitaan maaliyadeed ka bilaabay dawlada hoose ee Hargeysa, waxaanay xidheen xafiisyadii maaliyada si ay u baadheen.

Maayarka Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in baadhitaanka hanti dhawruhu yahay tii sanadkiiba mar la baadho, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah.

“Hanti dhawrku shaqadiisa caadiga ahaa uun buu wataa, iyagoo wax baadhaya iyo warbaahinta oo la kulantay uun baa wax weyn ka dhigtay, wax dhibaato oo kale oo jirta ma jiraan.”ayuu yidhi Soltelko oo ka hadlayey hanti dhawrka baadhitaanka ka wada dawlada hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay sababta golaha Wakiilada oo qudha loogu kordhinayo ee golaha deegaanka loogu kordhin waayey, waxaanu sheegay in sharciga uun loo raaci doono muddo kordhintooda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.