4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya  labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo  iyo sugidda ammaanka'' ayuu yiri wasiir Soylu.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinaca.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa dhankiisa ka hadlay doorka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii  Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu  horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona  kaalintooda” ayuu yiri wasiir Isloow.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga casuumaadaasi.

Wasiir Isloow ayaa ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay  in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay  maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]