4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Ganacsade Soomaaliya ee Minnesota dagan oo u balanqaaday shaqaaalaha Dowlada Maraykanka qado Bilaasha intay hakadka ku jiraan



Khamiis Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Mulkiilaha Afro Deli  Cabdiraxmaan Ciise Kaahin ayaa shalay oo ahayd Arbaco sheegay in ay siin doonaan Qado bilaash ah shaqaalaha u shaqeeya dawladda federaalka oo hakad ku yimi shaqadoodii & mushahaaraadkoodii dawladda dhexe ayna shaqaalahani helaynin wax lacag ah mudadaan.

Howlaha dowladda  dhexe Mareykanka ayaa xiran  26 cisho ee la soo dhaafay, lama Ogaan karo xiliga ay dib u furmayso hawlaha dowlada oo ay Trump iyo Xisbiga Dumiriqaadigu isku haystaan lacagtiilagu dhisi lahaa darbi wayn oo dhaxeeya Mexico & Maraykanka.

Mulkiilaha ganacsiga Afro Deli Cabdiraxmaan Ciise Kaahin yiri, “Waa wax aan caddaalad ahayn, shaqaalahan aan taageeraynana waa xubno ka tirsan  bulshadda Minnesota, xaaalada ay ku sugan yihiina ee mushahar la’aanta iyo shaqada dowladda ee xiran waa arrin laga xumaado oo nasiib daro ah,”

Cabdiraxmaan Kaahin ayaa sheegay inaan doonayaan inay caawiyaan walaahaa dhibtu ku dhacday oo laga yaabo inaysan aawoodin in haystaan wax ay qado ku iibsan karaan, waxayna naga tahay naxariis iyo wanaag aan u hayno dadkeena Minnesota ayuu yiri

Sidoo kale ganacsade Abdirahman Kahin ayaa yiri, “Waxaan dooneynaa in ay shaqaalaha dowladu ay ogaadaan in aan taageerayno oo aan hiil iyo hooba la garab taaganahay.”

Haddaba maamulka Makhaayadda Afro Deli ayaa sheegay oo si rasmi ah barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ku shaaciyay in laga bilaabo shalay oo ah Arbaco ay bixin doonaan qado siina doonaan shaqaalahaa.

Shalay waxaa markuu uu shaaciyey waxaa yimi tiro dhowr& toban qof , waxaase la filayaa buu yiri in maanta oo khamiis ah ay ka sii badan doonaan.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Siyad@hiiraan .com

Minneapolis MN