4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Guddidii loo magacaabay ka soo tallobixinta mudada la kordhinayo oo la kulmay saddexda xisbi ee Somaliland

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Guddidii Guurtidda ee loo xilsaaray inay ka soo taliyaan muddo kordhinta loo samaynayo golaha Wakiilada ayaa maanta la kulmay saddexda xisbi qaran, kuwaas oo wax ka waydiiyey siday u arkaan mudadda la kordhin karo.

Kulamadan ayaan loo ogolayn warbaahinta, haseyeeshee markii ay ka soo baxeen xisbiyadu ayaa gaar gaar uga hadlay kulankoodu wuxuu daarnaa, waxaanay sheegeen inay guurtiddu tallo ku saabsan muddada ku haboon in la kordhiyo waydiinayeen asxaabta, waxaanay u sheegeen in aan sanadkan la dhaafin.

Saddexda xisbi qaran ayaa ka midaysan in aanay doorashaddu dib uga dhicin sanadkan 2019-ka,haseyeeshee xisbiga WADANI ayaa isagu doonayo in la kala diro Komishanka doorashooyinka, halka labadda xisbi ee kalana ka soo horjeedaan in la kala diro.

Guddida loo xil saaray inay ka soo tallo bixiyaan mudadda ku haboon in la kordhiyo ayaa wadda qiimeynta mudadda doorasho lagu qaban karo, waxaana warbixintii ay soo diyaariyeen u jeedin doonaan xildhibaanada golaha oo isku dhan.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu usoo gudbiyey guurtidda in loo kordhiyo golaha Wakiilada, haseyeeshee waxa uu ka reebay golaha deegaankaasi, taas oo loo malaynayo inuu doonayo in uu kala diro dhamaan goleyaasha deegaanada dalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.