3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Dowladda Kenya oo soo bandhigtay meydadka qaar ka mid ah raggii weeraray Dusit Hotel

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Howlgal qaatay in ka badan 12 saacadood kaddib waxaa baraha bulshada ka soo muuqday meydadka qaar ka mid ah raggii weeraray Dusit hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ragga meydadkooda la soo bandhigay ayaa ka mid ahaa Afar dagaalyahan oo saacadihii ugu danbeeyay muuqaalkooda lagu soo bandhiga baraha bulshada oo la arkayay iyaga oo dhax socda dhismaha la weeraray.

Ka hor inta aan muuqaaladan meydadka la soo bandhigin madaxweynaha dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in la soo afjaray howlgalka sidoo kalana la dilay dhamaanba raggii weerarka soo qaaday.

Waxaa sidoo kale sawirrada la soo bandhigay ka muuqday Labo o qori AK47 ah  iyo booshash rasaasta lagu ritio, waxaa dableyda hubeysan oo gishnaa dhar madow isku eg iyo madaxa oo calaamad gaduudan uga xirneyd, waxaa ay u muuqdeen kuwo aad u diyaarsanaa, una hubeysnaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in illaa 47 ruux ay ku dileen, weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ayaa lagu soo beegay sanad-guuradii 3aad ee ka soo wareegatay weerarkii Saldhigga Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo lagu dilay in ka badan boqol askari.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM, waxaa kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo xuduuda ka soo tallaabay sideed sano ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 

 

 

 













Click here
1/16/2019 11:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Guddidii Guurtidda ee loo xilsaaray inay ka soo taliyaan muddo kordhinta loo samaynayo golaha Wakiilada ayaa maanta la kulmay saddexda xisbi qaran, kuwaas oo wax ka waydiiyey siday u arkaan mudadda la kordhin karo.

1/16/2019 8:50 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee maanta ka dhacday magaalada Beydhabo, ayaa sheegay in uu jiro is badal u bilaawday xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

1/16/2019 4:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la dilay dhamaanba raggii weerarka ku qaaday galinkii danbe ee maalintii shalay weerarka ka geystay magaalada Nairobi, taasoo macnaheedu yahay in la soo afjaray howlgalka.

1/16/2019 3:51 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed,

1/16/2019 3:41 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Isgoyska Howlwadaag ku toogtay mid ka mid ah dhalinyarradda ku shaqeysatay gaadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka.

1/16/2019 2:09 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimasho ee weerarkii galinkii danbe ee maalintii shalay dabley ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismayaal ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

1/16/2019 12:31 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 Hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/16/2019 12:19 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in ay soo afjartay weerarkii dabley ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hotello iyo xafiisyo dowladdood, ayaa haddana waxaa la maqlayaa rasaas ka dhaceysa agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.