3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Beydhabo si uu uga qeybgalo Caleemo saarka Lafta-Gareen

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxeynaha iyo xubnaha la socda ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta Gareen oo Beydhabo ka dhaceysa.

Howl wadeeno iyo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Beydhabo la sii geeyay maalin ka hor si ay u xaqiijiyaan ammaanka Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa beydhabo ku sugan madaxda kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xildhibaano, wasiiro, iyo xubno matalaya qaar ka mid ah maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Madaxweyne Lafta-Gareen ku dhawaad muddo bil ah ayuu dooran yahay munaasabadda caleemo saarkiisa marka ay dhamaato maalmaha xiga waxaa la filayaa in uu soo dhiso gole wasiiro oo uu maamulkiisa yeesho.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]  
 

 













Click here
1/16/2019 11:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Guddidii Guurtidda ee loo xilsaaray inay ka soo taliyaan muddo kordhinta loo samaynayo golaha Wakiilada ayaa maanta la kulmay saddexda xisbi qaran, kuwaas oo wax ka waydiiyey siday u arkaan mudadda la kordhin karo.

1/16/2019 8:50 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee maanta ka dhacday magaalada Beydhabo, ayaa sheegay in uu jiro is badal u bilaawday xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

1/16/2019 6:05 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Howlgal qaatay in ka badan 12 saacadood kaddib waxaa baraha bulshada ka soo muuqday meydadka qaar ka mid ah raggii weeraray Dusit hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/16/2019 4:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la dilay dhamaanba raggii weerarka ku qaaday galinkii danbe ee maalintii shalay weerarka ka geystay magaalada Nairobi, taasoo macnaheedu yahay in la soo afjaray howlgalka.

1/16/2019 3:41 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Isgoyska Howlwadaag ku toogtay mid ka mid ah dhalinyarradda ku shaqeysatay gaadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka.

1/16/2019 2:09 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimasho ee weerarkii galinkii danbe ee maalintii shalay dabley ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismayaal ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

1/16/2019 12:31 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 Hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/16/2019 12:19 AM EST
Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in ay soo afjartay weerarkii dabley ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hotello iyo xafiisyo dowladdood, ayaa haddana waxaa la maqlayaa rasaas ka dhaceysa agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.