4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Muwaadinniin u dhashay dalalka Mareykanka iyo Birtain oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Nairobi

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimasho ee weerarkii galinkii danbe ee maalintii shalay dabley ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismayaal ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay dalalka Mareykanka iyo Britain, sidoo kale waxaa iyaguna jira dad la aqoonsan waayay jinsiyada ay ka soo jeedaan, laakiin loo gartay in ay ajnabi yihiin oo ka mid ahaa dadkii weerarka lagu dilay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka nadiifisay dableydii weerarka soo qaaday gudaha dhismaha oo ay ku jireen wax ka badan 12 saacadood oo xiriir ah, laakiin warbaahinta iyo wariyayaasha goobta ku sugan ayaa ku soo waramaya in wali howlgalku socdo, mar marka qaarna la maqlayo rasaas.

Isbitaallada dalka Kenya ayaa la dhigay dadkii ku dhaawacmay weerarka oo qaarkood qaba dhaawacyo culus, halka in ka badan 100 ruuxna laga soo badbaadiyay dhismayaasha la weeraray.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogeyn tirada rasmi ah dableyda gudaha u gashay dhismayaashan, hasse ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay u dhaxeeyaan Afar ilaa Saddex dabley ah oo la ogeyn in ay dhinteen ama ka baxsadeen goobta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]