4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Weerarkii Nairobi

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in ay soo afjartay weerarkii dabley ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hotello iyo xafiisyo dowladdood, ayaa haddana waxaa la maqlayaa rasaas ka dhaceysa agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.

Tiro ka badan 15 ruux oo ay ka mid yihiin dad ka soo jeeda dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka halka in ka badan 30 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan la dhigay isbitaallada magaalada.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo badbaadiyay dad ka badan 100 ruux oo ku go’doonsanaa dhismayaasha la weeraray, waxaana soconaya howlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada Amaanka dalka Kenya.

Weerarkan ayeey Al-shabaab waxaa ay ku soo beegeen saddex sano kaddib markii sidan oo kale Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo lagu dilay in ka badan 140 Askari oo ka tirsanaa dowladda Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]