3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo: Waxaan ka shaqeyn doona xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreeysay sheegay inuu ka shaqeyn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka horraantii bishan.Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka.

Balse, madaxweynah Soomaaliya ayaa hadda sheegay inuu u istaagayo xal u helida khilaafka labada gole, waxa uu inta ku daray in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/15/2019 2:21 PM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay wali la tacaalayaan sidii loo soo afjari lahaa weerarkii qorax dhicii maanta oo Talaado ah koox hubeysan ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hoteello iyo xafiisyo dowladdeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/15/2019 12:07 PM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

1/15/2019 11:38 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.

1/15/2019 11:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka maaliyadda dalka.

1/15/2019 10:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Isniintii shalay xafiiska la wareegay ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa Midowga shirkadaha dalka Shiinaha ee Afrika Qian Xian oo booqasho ku soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe.

1/15/2019 10:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaa shanaysa hay'adda Save the Children ayaa gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Sool u qaybisay buugga siyaasada qorshe siyaasadeedka waxqabadka dhowrista carruurta ee Puntand.

1/15/2019 10:28 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Waxaa weli soconaya rasaas ay is weeydaarsanayaan kooxaha weerarka fuliyay iyo ciidamada ammaanka Kenya, kuwaa oo isku dayay in kooxahani ay ka saaraan dhismaha ay ku jiraan.

1/15/2019 9:51 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Dhismayaasha la weeraray oo isugu jira hoteello iyo xafiisyo dowladdeed ayaa qaraxyada kaddib waxaa gudaha u gallay oo ilaa waqtigan ka dhax dagaalamaya dabley aan rasmi ahaa tiradooda la shaacin.

1/15/2019 9:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaan hoteello iyo xafiisyo.

1/15/2019 8:52 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (Anti-Terror) ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd deegaanka Cali-Buuleey oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose.

1/15/2019 7:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyaga oo halkaa uga qeybgalaya munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

1/15/2019 6:00 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu u shaqeeyo Ruushka, arrintaas oo uu kaga jawaabayay wararkii ugu dambeeyay ee su'aasha galinayay xiriirka Trump kala dhaxeeya Moscow.

1/15/2019 2:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa erayo u muuqday jees jees laakiin uu ku sheegay in ay kaftan ahaayeen hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.

1/15/2019 1:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay xiritaanka Kalfaggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Goluhu u dhisneyn is hortaaga howlaha xukuumadda.

1/15/2019 12:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xiray Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta sharciyo dhowr ah oo u muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay dalka.