4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Xogta laga helayo sida uu ku bilowday Weerarka



Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Waxaa weli soconaya rasaas ay is weeydaarsanayaan kooxaha weerarka fuliyay iyo ciidamada ammaanka Kenya, kuwaa oo isku dayay in kooxahani ay ka saaraan dhismaha ay ku jiraan.

Kooxaha weerarka fuliyay ayaa la sheegay in ay wateen laba gaadiid ah, ayagoo gudaha u galay Hotel Dusit.

Waxay qaraxyo ku weerareen qeybta gaadiidka la dhigto ee Hotel Dusit kahor inta aysan gudaha u galin hotelkaasi, waxaana sidoo kale ay kooxahani rasaas oodda uga qaadeen ciidamadii ilaalada Hotelka, waxaana dhismahan ay kooxaha weerarka fuliyay galeen uu ka koobnaa qeybo xafiisyo ah iyo qeybo kale oo deegaan ah.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Kenya, sida Booliska, kuwa la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gaarka ah ee u tababaran qaraxyada ayaa gaaray goobta la weeraray.


Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen ilaa lix kamid ah kooxaha weerarka fuliyay, wallow aysan cadeyn tirada rasmiga ah ee kooxdaasi.

Waxaa soconaya howlgallo ay ciidamadu wadaan oo la doonayo in lagu soo afjaro kooxaha dhismaha ku jira, balse wararka ayaa sheegaya in kooxaha weerarka geystay ay weli ku jiraan gudaha Hotelka.

Ciidamada ayaa xiray wadooyinka mara agagagaarka halka uu weerarku ka dhacay, waxaana weli la maqlayaa rasaas dhaceeysa.

Saraakiisha booliska oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay soconayaan howlgallo kooxahaasi looga saarayo dhismaha, ayna jiraan dhaawacyo iyo qasaarooyin kale islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan.

Wixii ku soo kordha weerarkaasi kala soco Hiiraan Online

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.