4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo gubay xarun ay Shirkadda Hormuud ku lahayd J/hoose
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-
Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (Anti-Terror) ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd deegaanka Cali-Buuleey oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose.

Ciidamadan oo la sheegay in usoo talaabeen xadka dhanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Miinooyin ku xireen xaruntii Shirkadda ay ku lahayd tuuladaasi oo ku taal nawaaxiga soohdinta labada dalka, kadibna ay qarxiyeen, waxaana halkaasi ku burburiyay Anteenooyinkii shirkadda iyo qalabkii yaallay xarunta.

Saraakiil ka tirsan howlwadeennada shirkadda Hormuud ayaa HOL u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu jir-dileen laba kamid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta.

Isgaarsiintii shirkadda Hormuud ee deegaannada Cali-Buuleey, Diif, Dhuyac-garoon iyo Girileey ayaa hawada ka maqan, ayadoo dadka ku dhaqaan deegaanadaasi ay saameysay arintan, maadaama ay bulshadu ku xiriirto islamarkaana aad u isticmaasho adeegga EVC ee lacagaha la isugu xawilo.

Bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Kenya u burburiyeen isla xaruntan.

Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa hore u burburiyay xarumo dhowr ah oo ay shirkaddu ku lahayd deegaannada Ceel-baande, Dhamase, Khadiijo Xaaji, Dhegalaab iyo deegaana Dhuuntoow oo ka kala tirsan gobollada J/hoose iyo Gedo.

Lama garanayo sababta ay ciidamada Kenya u beegsanayaan xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana saraakiil ka tirsan shirkadda oo aan weeydiinnay ay sheegeen in aysan ogeyn ujeedada ka danbeeyso arimahan, waxayna walaac ka muujiyeen ololahan ay ciidamadan Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda ee ku yaal gobollada soohdinta ku yaal ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli wax tallaabo ah kama qaadin arrintan, mana jirto cid ciidamada Kenya kula xisaabtameeysa xad gudubyada ay ka geeysanayaan gudaha dalka.

Hiiraan Online, News Desk