Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyaga oo halkaa uga qeybgalaya munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Wafiga waxaa ka mid ah guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.
Waxaa Garoonka diyaaradaha magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay halkaa gaaraan wafuud kale oo ka socda dowlad gobolleedyada dalka, kuwaa oo ka qeybgali doona munaasabada calleemo saarka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]