4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Guddoomiye Mursal : Golaha Shacabka uma dhisna duminta iyo is hortaaga howlaha xukuumadda

 

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay xiritaanka Kalfaggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Goluhu u dhisneyn is hortaaga howlaha xukuumadda.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Golaha Shacabku yahay hay’ad u taagan oo kaliya dajinta sharciyada iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Kalfadhiga soo socda ayuu sheegay in ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka.

Xiritaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa imanaya xili maalintii shalay xildhibaannadu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen xeerka wax ka badalka maamulka Bangiga dhexe, kaasoo khilaaf weyn ka dhax abuuray xildhibaannada kaddib markii laga war hellay in maamulka Bangiga Soomaaliya loo wado qof ajnabi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]