4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Farmaajo : Golaha Shacabka waxaan uga mahad celinayaa ansixinta sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka

 

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xiray Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta sharciyo dhowr ah oo u muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay dalka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii Afaraad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale madaxweynaha oo soo hadal qaaday khilaafka Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada Aqal, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Ugu danbeyntii madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku soo qaaday in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan Alshabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]