4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Qarax goor dhaw lagu weeraray Maqaaxida The Village ee magaalada Muqdisho

 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Qaraxan oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo laga hellayo waxaa ay sheegayaan in lagu weeraray Maqaaxida The Village oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan ka fogeyn Isbitaalkii hore ee Digfeer ee degmada Hodan

Lama oga khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani, iyo nuuca uu yahay, waxaana durbadiiba goobta uu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo bilaabay in ay halkaa ka qaadaan dadka ay wax-yeelladu soo gaartay.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari lama oga in uu waday qof ismiidaamiye ah iyo in uu ahaa gaari goobta la soo dhigay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]