4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Xildhibaan Sakariye : Ninka ajnabiga ah ee Bankiga dhexe loo dhiibayo Xukuumadda waxaan ka rabnaa kitaabkii ay ku dhaarin lahayd

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi , oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka beddel lagu sameeyay uu meel mariyay Baarlamaanka.

Wax ka beddelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130aad  ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah,  kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga  Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sarreeya, karti ahaan, aqoon  ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

"Maanta halkan waxaa ka dhacay go'aan aan sharci ahayn oo laga boodey, la jabiyay xeerarkii uu dalku lahaa oo dhan oo guddoonka iyo Baarlamaanku qaarkood jabiyeen ,iyadoo marka ugu horreeya xeerka qaranka Soomaaliyeed uu ku dhisnaa ilaa 60kii oo ah qofka muwaadinka ah oo Soomaaliga ah inuu leeyahay xaqa koowaad in shaqo la siiyo, waad ogtihiin dadka Soomaaliyeed 90% ma shaqeeyaan , waxaanu leenahay khubaro waa weyn oo caalami ah  bangiyada adduunka ka shaqeysay oo howshana ehel u ah ... waa la diidday waxaa la yiri ajanabi wuu tartami karaa ". ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

" Qofka muwaadinka ah oo qatan isaga iyo carruurtiisa in ajanabi la yirahdo kaalayo nala shaqee oo bangiga dhexe ka shaqee su'aasha koowaad waxaa weye kitaabkee lagu dhaarinaya horta, ileen guddoomiyaha bangiga markii la magacaabo waxaa lagu dhaariya inuu dalka iyo dadka daacad u yahay kitaabka illaahay oo Quraanka ah , labo waxaa dastuuri ah oo qaanuuni ah in af Soomaali qofka madaxda ah iyo qof kasta oo Soomaali ah inuu ku hadlo ... guddoomiyaha bangiga dhexe hadduusan Soomaali noqon afkeebu wax noogu sheegaya". ayuu raaciyay.

Waxa uu inta ku daray in marar badan uu ka aamusay qaladaad badan oo dalka laga galay, isagoo tilmaamay in haatan ay billaabatay in Badda la bixiyo oo leesano la siiyo, si lagu xaalufiyo kalluunka, waxaa kalo uu sheegay waxaa in aanay aqbali doonin oo ay arrintan ka soo horjeesanayaan.

Meel marinta xeerka maamulka bangiga dhexe oo wax ka beddel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa oggolaatay, halka 17 ay diidday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]