Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Booliis. Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir sanadkii tagay.
Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed ayaa loo heystaa in
qoreygiisa uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo
diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex
Kormeera Sedaxaad Boliis. Xasan Aadan Ibraahim.
Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda baarista Dambiyada CID.
Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda baarista ayay u soo
wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa ayna
xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo
xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.
Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta,
waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka
dhanka ah labada eedeysane.
Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay
dhageysiga dacwadda 15-12 ee 2018, waxaana lagu ballamay laba cisha
kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati,
baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku
saabsan dilka, sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta
dhimashada.
Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer
ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar
miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga halka Sedax Alifle Boliisk
Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku
difaaco cadowga.
Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka
sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in
Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday
geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.
Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax
walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.
Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo kala xukuntay in
Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta Ex
Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah
halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay laba sano
oo xarig ah.
Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.
Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo
marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda
8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga
Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali
Maxamed.
Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan
qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku
doodeen in loo naxariisto.
Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay
- Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer
Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
- Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.
Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto
xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]