4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Mas'uuliyiin ka qeybgashay munaasabad loo qabtay Ardey ku biirtay Jaamacadda UPEACE


Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Munaasabad soo dhoweyn ah ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay in ka badan 150 arday oo ah dufcadii labaad ee iska diiwaan-gelisay barnaamijka Waxbarashada sare ee ay iska kaashanayaan Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Qaramada Midoobey iyo Machadka daraasaadka & Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI).

Barnaamijkan ayaa loogu talo galay iney ka faa’ideystaan ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadaha dalka, iyadoo arintana ay timid ka dib markii labada dhinac ay 14kii bishii August ee sanadkii hore kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhigaya in Jaamacadda University for Peace oo kaashaneysa Machadka SDRI ay bixiso illaa 11 taqasus oo Master ah iyo labo Maado oo lagu bixinayo shahaadada sare ee Phd-da.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaarada Waxbarashada dowlada federaalka Somalia, arday iyo xubno kale ee munaasabadan lagu casuumay.

Agaasimaha Machadka SDRI Mudane Maxamed Cismaan oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta dufcadii labaad, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey Jaamacadda University for Peace oo uu xusay iney tahay Jaamacad caalami ah oo ay leedahay Q/Midoobay taasoo uu tilmaamay iney tahay markii ugu horeysay ee ay dalka timaado.

“Dedaal muddo badan socday oo ay sameysay SDRI waxaan ku guuleysanay in markii ugu horeysay aan dalka keeno Jaamacada UPEACE oo bixisa shahaado caalami ah oo ay aqoonsan yihiin dhamaan heyadaha UN-ka, si ay uga faaiideystaan ardayda dalkeena ee Jaamacadaha dhameystay, waxaana ku faraxsanahay inaan maanta soo dhoweynayo dufcadii labaad” ayuu yiri agaasimaha oo ku dheeraaday qaabka ay ku wada shaqeyn doonaan heyadiisa SDRI iyo Jaamacada UPEACE.

Dufcadda labaad ee soo dhoweynta loo sameynayey ayaa waxaa ka mid noqday Agaasimaha heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federaalka Maxamed Aadan Koofi oo diyaarina shahaadada waxbarashada heerka 3aad ee Phd-da.

Koofi oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka mid noqoshada ardayda dufcadda labaad, wuxuuna u mahad celiyey Jaamacadda UPEACE iyo machadka SDRI oo suurageliyey in isagoo dalkiisa hooyo jooga uu diyaariyo shahaadada Phd.

Danjiraha Somalia u fadhin doona dalka Kuwait Ambasaddor C/llaahi Odowaa oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka qelin jebiyey Jaamacadda UPEACE xarunteeda dalka Costa-rica ayaa isna hadal ka jeediyey munaasabada wuxuuna sheegay in ardayda ka baxday Jaamacadaha dalka ay heystaan fursad dahabi ah maadaama ay dalkooda xarun ka furatay Jaamacada UPEACE oo uu xusay iney tahay jaamacad caalami ah, wuxuuna xusay iney jiraan dalal Somalia ka horumarsan oo aan weli fursadan helin.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee Wasaarada waxbarashada Somalia C/shakuur Fiqi ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyey munaasabadan, wuxuuna xusay machadka SDRI uu ka diiwaan gashan yahay Wasaaradda waxbarashada, isagoo bogaadiyey iskaashiga waxbarasho ee dhexmaray labada heyadood. "Wasaaradda waxbarashadu waxay soo dhoweyneysaa cid kasta oo kaalin wax ku ool ah ka qaadaneysa horumarinta tacliinta sare" ayuu yiri agaasimaha oo ardayda dufcada labaad kula dardaarmay iney ka faaiideystaan fursada ay heystaan.

Gudoomiyaha heyadda SDRI Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan hadalo ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey iskaashiga waxbarasho ee dhexmaray Machadka SDRI iyo Jaamacada UPEACE.

“Ardayda  ka faa’ideysata barnaamijkan waxay heystaan fursadaha ugu wanaagsan ee  ay uga mid noqon karaan howlwadeenada heyadaha UN-ka, maadaama ay  heystaan shahaado caalami ah oo ay bixisay Jaamacad ay leedahay Qaramada Midoobay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dufcada labaad  iyo iyo dufcadii ka horeysayba u rajeeyey iney ka miro dhaliyaan  hadafkooda, isagoo ardayda kale ee dhameysatay jaamacadaha dalka ugu  baaqay iney ka faaiideystaan fursadan qaaliga ah

Prof.  Samuel Kale oo ah madaxa Afrika u qaabilsan Jaamacadda UPEACE oo ugu  dambeyn munaasabadan ka hadlay ayaa xusay iney ku faraxsan yihiin markii  ugu horeysay in Jaamacadiisu ka howlgasho Somalia, wuxuuna xusay in Jaamacaddan ay tahay mid aqooneed oo aan wax shaqo ah  ku laheyn Siyaasad

“University for Peace (UPEACE) waxaa la asaasay 5tii bishii Disembar sanadkii 1980kii ka dib go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobay, xarunteeda dhexe waxay ku taalla dalka Costa-rica, waxayna xarun goboleedyo iyo faracyo ku leedahay dalal badan oo ku baahsan caalamka, qeybta Afrika ee aan madaxda ka ahay xarunteeda waa Addis ababa, waajibaadka nala siiyey waxaa ka mid ah xoojinta awooda Jaamacadaha Afrika, dhinaca aqoonta, Cilmi-baarista iyo arrimaha bulshada” ayuu yiri Prof. Samuel Kale oo intaa ku daray inuu ku faraxsan yahay iskaashiga jaamacadiisa iyo heyadda SDRI, isagoo balan-qaaday in ardayda la siin doono aqoon tayo sare leh iyo shahaado aqoonsi caalami ah heysata.

Masuuliyiinta Jaamacadda UPEACE iyo heyadda SDRI ayaa ugu dambeyn si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda iyo aqoonyahanada ka qeyb galay Munaasabadaas oo jawi aad u wanaagsan ku soo dhamaatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]