1/16/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe, Akhriso


 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL) -Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa u gudbiyay Golaha Shacabka xeerka wax ka badalka guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo lagu waddo in uu maanta ka dooddo Golaha.

Xeerka ayaa u qornaa siddan :

Markuu la arkay Baahida loo qabo :-  Soo saarista xeer maamul oo haggaya soo xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya :

Markuu Arkay  :- In Golaha Wasiirraddu Wadajir u ansixiyeen si waafaqsan xeerka qoddobka 99 farqadiisa (b) ee Dastuurka Soomaaliya.

Markuu ku qancay :- In Sharciga 130 u baahan yahay dib u eegis nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan si uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna  saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah. 

Wuxuu Meel mariyay  

1 .Xeerkan maamul ee Golaha Wasiirraddu ogolaadeen oosi KMG u haga xulida xubnaha Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in dib u eegis wadajir ah ku sameeyaan Guddiga Maaliyadda iyo  Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar  130, si la isku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka. 

2.Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaa, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

3, Xeerkan waxaa uu dhaqan-galayaa markii uu meel mariyo Golaha Shacabka islamarkaana uu Dikreeto ku soo saaro madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Haddaba xeerkan uu ku saxiixan yahay ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa haddii uu meel maro ama isku raacaan Golaha Shacabka waxaa ay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe  uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo  cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo  ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo  Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 

 







Click here
1/14/2019 10:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Qaraxan oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo laga hellayo waxaa ay sheegayaan in lagu weeraray Maqaaxida The Village oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan ka fogeyn Isbitaalkii hore ee Digfeer ee degmada Hodan

1/14/2019 10:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xilka maanta la wareegay ayaa joojiyay dhulka dowladda in laga dhiso dhismayaal sharci darro ah, sida ku cad wareegto uu goor dhow baahiyay xafiiska madaxweynaha.

1/14/2019 9:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo daabacaada lacagta shillinka Soomaaliga ah, sida ku cad wareegto goor ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

1/14/2019 8:30 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi , oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka beddel lagu sameeyay uu meel mariyay Baarlamaanka.

1/14/2019 7:21 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas,kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

1/14/2019 5:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.

1/14/2019 5:37 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Booliis. Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir sanadkii tagay.

1/14/2019 5:25 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa degmada Afmadow ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun lagu tababari doono ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

1/14/2019 5:02 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

1/14/2019 4:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Munaasabad soo dhoweyn ah ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay in ka badan 150 arday oo ah dufcadii labaad ee iska diiwaan-gelisay barnaamijka Waxbarashada sare ee ay iska kaashanayaan Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Q/Midoobay iyo Machadka daraasaadka & Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI).

1/14/2019 2:41 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah.

1/14/2019 1:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab.

1/14/2019 12:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi doona wax ka badalka xeerka Bangiga.