4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Dowladda Soomaaliya oo rajeyneysa 2019 in laga cafiyo deymaha lagu lee yahay

 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharka shaqaalaha dowladda iyo midka Ciidamada, Wuxuuna intaasi ku daray in labadii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba ka dib markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa.

Dhinaca kale Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo ee canshuuraha la xiriira.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan ay raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha lagu leeyahay.

 Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]