4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Sarkaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay Bu’aalle

 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab.

Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] waxaana ay ku eedeeyeen Al-shabaab in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Sarkaalkan ayaa marka laga soo tago in uu hadda ka tirsanaa Ururka Daacish waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa Ururka Al-shabaab oo mar uu khilaaf soo kala dhaxgalay, laakiin markii danbe ayuu si toos ah ugu biiray Daacish.

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]