Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya wax ka badalka xeerka Bangiga Dhexe
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaannada
Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah
kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi
doona wax ka badalka xeerka Bangiga.
Arrintan ayaa dood adag ka dhax
abuurtay mushtamaca Soomaaliyeed kaddib uu soo baxay war ku saabsan in sababta
wax ka badalka loogu sameynayo xeerka Bangiga uu yahay sidii qof Ajnabi ah
loogu dhiibi lahaa guddoonka sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaannada qaarkood,
Aqooyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo arintan ka hadlay ayaa
sheegay in wax laga xumaado tahay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ay sababtu tahay sidii qof Ajnabi ah uu u maamuli
lahaa Bangiga.
Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka
mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqabado aan hadda laga
fiirsan lagala kulmi doono haddii qof ajnabi ah loo dhiibo Bangiga, gaar ahaan
waxaa uu sheegay in qofka hadda lagu waddo uusan aqoon u laheyn maamulka
Dhaqaallaha isaga oo bartay ayuu yiri
dhaqaalaha beeraha oo ah ayuu yiri qeyb kooban oo ka mid ah cilmiga Dhaqaalaha.
Lama oga sida uu xildhibaannada
Golaha Shacabku u wajihi doonaan marka la hor geeyo ajandaha wax ka badalka
xeerka Bangiga iyo doodda arintan ku saabsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]