4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Xisbiga WADANI oo sheegay in aanay doorasho galeen illaa Guddida doorashooyinka la bedello

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay mawqifka xisbigooda ee arrimaha doorashooyinka iyo sida looga gudbayo caqabadaha hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Iyo Wakiillada.

“WADDANI ceeb la’aan Guddida Doorashada wuu deedafeeyay oo wuxuu yidhi noo qaban maysaan doorasho, kuma kalsoonin waana mawqif xisbigani qaatay, cid ku khasbi karta ma jirto.”ayuu yidhi Xirsi.

Hoggaamiyaha Waddani waxa uu sheegay in aanay suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay dalka ka dhacdo “Waxaan leeyahay dalka ma hore ayaynu u wadna mise dib? Waxaad madaxweyne soo qortay oo aad doorashada ku gashay ‘Horaa loo soconaya’ dee waxa muuqata geerkii damba inoogu jire ee kii hore inooguma jiro ee haddii ay yihiin xisbiyo, dawlad iyo shacba aynu geerka hore gashano, doorashadii aynu sanadaha soo wadnay yaynaan maanta isku qabsanin,”

Sidoo kale, waxa uu fariin u direy golaha Guurtida, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Golaha Guurtida oo ah labada gole kii sarreeyay oo Somaliland-na in badan ku soo caano maashay hannaanka doorashada iyo dimuqraadiyadda ee aynu muddada soo wadnay kordhiskiinu yaanu wax yeelin ee wax macquul ah oo aan dhaafsiisnayn sanadka haddii intayadii ku wada jirtay ee wax wada lahayn isla fahmi waynay wax aan dhaafsiisnayn sanadka 2019 yaan la dhaafin.”

Sidoo kale, waxay sharci daro ku tilmaameen xadhiga muwaadiinta, isagoo tusaale usoo qaatay Abwaan C/raxmaan Abees iyo Abwaan Siciid Gahayr oo isna loo xidhay qoraal uu ka qoray ciidanka Booliska, waxaana codsadeen in xoriyadooda loo siidaayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.