Guddida fulinta ee Xisbiga UCID oo sheegay inay ku xigeenkii xisbiga xilkii ka qaadeen
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Guddida fulinta ee xisbiga UCID ayaa sheegay inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Maxamed Buunni ka dib markii guddida anshaxa guddida fulinta usoo gudbiyeen dacwadiisa.
Guddida fulinta ayaa cod gacan
taag ah xilkii iyo xubinimadii xisbiga kaga qaaday ku xigeenkii xisbiga
Cabdinaasir Buuni, haseyeeshee xisbigga UCID muu cadayn sababaha rasmiga ee
masuulkani maamuus ka xayuubinta loogu sameeyey.
Dhinaca kale, gudoomiye
kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay
inuu is casilay ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen gudoomiyaha xisbiga.
“Waxaanu isku haynaa maxa loo
leeyahay ajande aan Somaliland ahayn buu WADANI wataa, waa xisbi boqolkiiba
afartan helay, KULMIYE xurmuu u hayaa WADANI mar walbana wuxuu yidha
aragtidiina waan idinku ixtiraamaynaa, laakiin aniga hadii gudoomiyahaygu uu
qaatay inuu shaanbad ku dhufto Xisbiga WADANI anigoo ku xigenkiisa ah
damiirkaygu I siin maayo inaan sii joogo, marka waan ka tagay UCID”ayuu yidhi
Cabdinaasir Buuni.
Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga
UCID ayaa sheegay inay khalad tahay in la isku joojin waayo oo xisbigii WADDANI
oo wax diidan hawsha la iska sii wato, isla markaana ku dooday in aanu
ogolaanayn in khalad jira iska taageero ee uu ka shaqayn doono sidii xisbiyada
uu iskugu keeni lahaa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.