4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Ciidanka Booliska Somaliland oo ka jawaabay eeddo uu u soo jeediyey Abwaankii shalay la xidhay

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Ciidanka Amniga Somaliland ayaa ka jawaabay eedihii uu usoo jeediyey abwaan Cabdiraxmaan Abees oo shalay xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dhacdo uu ku arkay saldhiga degmada kood buur ee Hargeysa suugaan ka sameeyey.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska C/raxmaan Fooxle iyo afhayeenka ciidankaasi Faysal Xiis oo si wada jir ah warbaahinta ugu sharaxaya dambiyada uu ka galay ciidanka Abwaan Abees ayaa sheegay inuu qaranka iyo ciidankaba ceebaynayey,isla markana uu kulankaasi uu abwaanku waday ahaa mid la soo abaabulay.

“Ciidanku boolisku kuwaas wax ka sheegay ayuu guryahoodda ilaaliyaa, in aflagaado iyo hadal qiimo lahayn ka sheegtaa waa xaaraan, qodobka saxaafaduna wuxuu sheegay in ciidanka amniga warbaahinta wax lagaga sheegi Karin, ciidanku waa difaacaagii oo ilaalinaya nabadgalyada, kaama mudna inaad wax ka sheegto.”ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Fooxle.

Sidoo kale, waxa isna ciidanka booliska u hadlay Afhayeenka ciidanka Faysal Xiis, waxaanu yidhi “12.1,2019 ciidanka boolisku waxay soo xidheen eedeysane Cabdiraxmaan Ibraahim Abees, kaasi oo ku kacay ceebeen uu u gaystay ciidanka booliska iyo qarankaba, isaga ayaa qiray inuu walaalkii ahaa budhcad magaalada dhacayey, xadhigiisa waxa loo soo maray sifo sharciga waafaqsan, eedeysanaha waxa haysta aqoondaro dhinaca sharciga ah waayo wuxu qirtay inuu ciidanka booliska ku sameeyey shaqo is hor taag iyaga oo gudanaya waajibaadkii shaqo, arrinta uu ka hadlayey waxay ahayd sanad ka hor, waxaanay wadeen qorshe la soo abaabulay oo qaranka lagu ceebaynayo.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay gabadha uu abwaanku sheegay in saldhiga ku dhex silsiladaysnayd, waxaanu yidhi “Gabadha uu leeyahay waa la kufsaday waa beentii oo waxay gabadhaasi jajabisay gaadiid jidka marayey, waxaanay ahayd gabadh waalan oo maskaxda ka jirin waxana ciidanku u gudbiyeen cisbitaalka dhimirka, afarta ciyaalka ah ee uu saldhiga ku arkay waxay si wada jir ah fal khasaare sababay u wada galeen, waxaana u gudbiyey maxkamada oo hawshoodu ka socoto”

Sidoo kale, waxa uu afhayeenka ciidanku sheegay inay baadhitaan ku wadaan Abwaan Xasan Laabsaalax oo uu sheegay inuu eeddo usoo jeediyey ciidanka amniga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.