4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Xisbiga UPD oo leyska hortaagay kulan ay ku qaban lahaayeen magaalada Baydhabo

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka koonfur Galbeed is hortaag ku sameeyeen kulan (Siminaar) halkaa uu ku qaban lahaa Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Senator   Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare islamarkaana ah guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga  ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon  kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raalli gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”sidaa waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban.

Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo doortay C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay joojiyeen kulamo iyo  siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo  C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca gudddoomiyaha Xisbiga UPD Xassan Sheekh Maxamuud oo la xiriira is hortaaga lagu sameeyay kulanka uu Xisbiga ku qabsan lahaa magaalada Baydhabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]