4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Britain

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Booliiska dalka Britain ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dil magaalada Bristol Jimcihii loogu geystay wiil Soomaali ah

Wiilka ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah sida ay warbaahinta u sheeegeen eheladiisa.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Bashiir, islamarkaana markii ay soo gabagabeeyaan baaritaanada ay la hadli doonaan warbaahinta.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka marxuumka uu ka danabeeyay nin ay guri wada deganaayeen, waxaana uu dilkii u adeegsaday Toorrey xilli uu Jiifay.

''Markii uu dilay kaddib ayuu ka baxay guriga, waxaana u tagay guri ay degeneyd Habaryartiisa, isaga oo u sheegay in uu soo dilay Ninkii ay guriga wada degenaayeen'' ayuu yiri qof ay qof ka tirsan ehellada marxuumka oo wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday qofka dilka geystay.

Todoobaadkii hore ayeey aheyd markii wiil Soomaali lagu dilay Magaalada London, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kordhay dilalka loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]