Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Natiijada
rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee
Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada
xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila.
Codbixinta madaxtinnimada ayaa ahayd mid lagu murmay - musharraxa mucaaradka
ah Felix Tshisekedi ayaa la sheegay inuu ku guuleystay, balse musharraxa kale
ee Martin Fayulu ayaa sheegay inuu isagu guuleystay isla markaana uu maxkamad
aadi doono.
Madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila ayaa ka degaya xilka. Laakiin
isbahaysiga uu hoggaaminayo Kabila ayaa ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta
baarlamaankaasi, sidaas awgeed isaga iyo xulafadiisu weli qeyb weyn ayay ka
qaadan doonaan awoodda dalkaasi.
Tani waxay keeni doontaa inay aad u niyad jabaan malaayiinka qof ee
rajaynayay in doorashada ay u horseedeyso isbeddello badan.
Madaxwaynaha xiga ayaa waxaa la gudboon inuu la shaqeeyo xisbiyada
siyaasadeed ee hadda jira, kuwaas oo lagu eedeeyay wax is daba marin, halka
laga doonayay inay wax ka beddelaan nolosha dadka.
Weli waxaa jira walaac ah in khilaafka ka taagan codbixinta madaxweynaha ay
ka dhalan karaan rabshado.
Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka Martin Fayulu ayaa lagu wadaa inuu
maxkamad geeyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashada, isagoo aaminsan in looga
shubtay doorashadaas.
Ciidammada ammaanka ayaa lagu daad gureeyay meel u dhow halka uu deggan
yahay Martin.
Wuxuu ku adkeysanayaa inuu ku guuleystay doorashadii bishii hore. Isagoo
codsaday in si caadi ah loo xisaabiyo codadka.
Balse guddiga doorashada ayaa Felix Tshisekedi ku dhawaaqay inuu guuleystay.
Fayulu ayaa ku eedeynaya Tshisekedi inuu heshiis awood-qaybsi ah la galay
madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Joseph Kabila.
BBC