4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyay

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay qoraal ka soo baxay xubno ka tirsan guddiga doorashada Qaranka oo lagu sheegay in laga qaaday xilkii uu ka hayay guddiga ee guddoomiye ku-xigeenka.

Siyad Cali ayaa sheegay in warqadaa uu arkay islamarkaana lagu tilmaami karo sida uu hadalka u dhigay mid guddoomiyaha guddiga ku dooneyso ayuu yiri in ay ku qariso fashilka iyo ceebaha hoggaamineed ee muddaba ku soo waday sida uu hadalka u dhigay guddiga dhaxdiisa.

Wuxuu sheegay in Golaha Baarlamaanka oo kaliya xil ka qaadis ku sameyn karo madaama ayuu yiri xubnaha guddiga mid mid markii horeba ugu codeeyeen xildhibaannada Qaranka si la mid ah doorashadii madaxweynaha.

‘’ Xubnaha guddiga waxa ansixiyay oo u codeeyay baarlamaanka xubin kasta si la mid ah doorashada Madaxweynaha Federalka Soomaaliya,ayna sidoo kale Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.”ayuu yiri Sayid Cali Sheekh oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada Qaran.

Wuxuu intaa ku darray in khilaafkan uusan aheyn mid hadda soo bilaawday lagana garan karo qoraalka xil ka qaadistiisa lagu soo saaray oo ay ku saxiixan yihiin ayuu yiri Lix xubnood halka xubnaha guddiga-na ka kooban yihiin Sagaal xubnood.

‘’Muddo dheerba guddiga waxaa ka dhax jiray khilaaf xarga goostay, ayna gudoomiyaha guddiga ay u horseeday guddigaasi fashil iyo ceeb’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayuu si toos ah ugu eedeeyay in guddiga gudihiisa ay ku maamsho, Kaligii talisnimo, Eex iyo Musuq maasuq ka dhax jira guddiga.

Lama oga waxa uu dhimi karo khilaafkan cusub hannaanka geed socodka siyaasada la doonayo in lagu gaaro doorasho qof iyo cod ah oo ka hergasha dalka marka la gaaro 2020-2021

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]