4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Xisbiga UCID oo Guurtidda usoo jeediyey inay muddo kordhintooda ku saleeyaan heshiishkii labada xisbi

 

Santi, Janaayo, 12, 2019 (HOL) - Xisbiga UCID ayaa sheegay in xisbigooda iyo kulmiye isku raaceen inay doorashadda golaha Wakiiladu dhacdo dhamaadka sanadkan, halka xisbiga WADANI ku gacan saydhay heshiishkooddaasi.

Xisbiga UCID ayaa sheegay inuu dhexdhexaadin ka gallay sidii doorashaddu aanay u dhaafin sanadkan, balse xisbiga WADANI ku eedeeyey in aanu doonayn in ay doorashaddu dhacdo, isagoo ka sheekeynayey marxalado kala duwan oo isla soo mareen sadexda xisbi waxa uu yidhi “Waxaanu dhawr jeer kullanay xisbiga WADDANI, waxaan usoo jeediyey in iyaguna komshinkan ay kala diraysaa ka tagaan, KULMIYEna aan ka soo dhameeyo in mucaaradka laba xubnood oo dheeraad ah loogu daro Komishanka, markii aanu arrintaasi isla qaadanay ee saddexdii xisbi isku yimaadeen, waxaanu isku dhagaysanay labadooda xisbi markii ay doodayeen ee is mari waayeen ayaanu soo dhexgallay oo aan soo jeedinayey talayadii, KULMIYE wuu diiday ka dib sidaas baan uga soo baxnay oo waydinkii ogaa dagaalkayagu halkii uu marayey”.

Haseyeeshee waxa uu sheegay in ugu dambeyn ku heshiiyeen in aan doorashaddu dhaafin sanadkan dhamaadkiisa, waxaanu golaha guurtida oo loo soo gudbiyey inay u kordhiyaann golaha wakiilada ka codsaday inay ku saleeyaan muddo kordhinta heshiishkii labada xisbi ka gaadheen arrimaha doorashooyinka.

“guurtidda waxaan leeyahay shacabku qaatiyaan buu ka taagan yahay xildhibaano aan ku noqon deegaankii lagu soo doortay oo aan waxba u tarin iyo muddo kordhin kolba dib u dhacda ee waa inay tixgaliyaan heshiihskii xisbiga kulmiye iyo UCID ee aanu ku heshiinay inay doorashada goleyaaashu dhacdo November,2019.”ayuu yidhi Faysal Cai Waraabe.

Dhinaca kale, Xisbiga WADANI ayaa sheegay in aanay doorasho saddexda xisbi ku heshiin aanay galeen, isla markaana uu qaadacay komishanka doorashooyinka hadda joogo, waxaanu ku adkaystay inay doorashadu dhacdo sanadkan gudihiisa.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay in aanay doorasho galleen illaa ay joogaan guddida doorashooyinka, waxaanu ugu baaqay in la bedelo iyo in caqadaha kahoreeya doorasho inay dhacdo la dhameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay ku heshiiyeen in doorashadu aanay dhaafin sanadkan, halka xisbiga WADANI ka soo horjeestay heshiishkoodaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.