3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Xubin sare oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka ayaa lagu sameeyay xilka qaadis

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka qaadis iyo  xubinnimada in ay ka saaraan isugu daray Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga uu lahaa.

War ay so saareen Guddiga waxaa ay ku sheegeyn in ay soo soctay muddo lix bilood ah eeda ugu dambeyn keentay in ay talaabadaan qaadaan.

Dhinaca kale Sayid Cali Sheekh Maxamed  oo ahaa xubin ka tirsan Guddiga islamarkaana ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen.

Sayid Cali waxaa lagu eedeeyay in uu dumiyay xeer adag oo uu Guddiga lahaa isagoo ka faa’iideeysanayaa xilka iyo masuuliyadda uu hayay, SIdoo kalana uu ku tuntay qodobo ka mid ah Sharciga guddiga u yaalla.

Gudoomiye ku xigeenka la eryay ee xilka iyo xubinimadda laga qaaday Sayid Cali Sheekh Maxamed wali ma jiro wax war ah oo xagiisa ka soo baxay.

April 2-2015 ayaa la aasaasay Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood waana markii ugu horeysay oo ii guddigu ku qaado talaabo ceynkan oo kale ah.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]  
 

 

 













Click here
1/12/2019 3:16 PM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila.

1/12/2019 2:40 PM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Munaasabada ballaaran oo lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app).

1/12/2019 12:54 PM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay qoraal ka soo baxay xubno ka tirsan guddiga doorashada Qaranka oo lagu sheegay in laga qaaday xilkii uu ka hayay guddiga ee guddoomiye ku-xigeenka.

1/12/2019 10:36 AM EST
Santi, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Xisbiga UCID ayaa sheegay in xisbigooda iyo kulmiye isku raaceen inay doorashadda golaha Wakiiladu dhacdo dhamaadka sanadkan, halka xisbiga WADANI ku gacan saydhay heshiishkooddaasi.

1/12/2019 9:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurka dhallinyarada ah ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu xalay magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay suugaan uu ku dhaliilay dawladda iyo dhibaatooyin uu ku arkay xabsiyadda wadanka ku yaal.

1/12/2019 2:43 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Basaboorka Soomaaliga ayaa loo aqoonsaday in uu yahay mid ka awood badan Pasaboorka dalalka Afghanistan iyo Iraq sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda Henley Passport

1/12/2019 2:23 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi oo loo heysto in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan 21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

1/12/2019 12:21 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL) – Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in dowladda Canada aqbasha in ay magan-galyo siiso Raxaf Maxamed al-Qunun taasoo loo aqoonsaday in ay Qaxooti tahay kaddib markii ay ka soo baxsatay reerkeeda.

1/12/2019 12:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)–Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.