4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi  oo loo  heysto  in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan  21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna  dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha ciidamada Qalabka Side ayaa sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan  ka gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin waxaa ay u dirtay askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamada ciidamada ayaa waxaa ay xukuno ku ridaa askarta  ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]