4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Dab weyn oo goor dhaw ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dab weyn oo inta badan magaalada Muqdisho laga arki karo uu qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka halka uu dabka ka kacay ayaa Hiiraan Online u sheegay in gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyta uu dabkan ka bilaawday hasse ahaatee uu hadda u muuqdo mid ku sii fidayo qeybo kale oo hore leh.

Meelaha qaar waxaa laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada nabad-galyada oo lagu kala kaxeynayo dadka halkaa isugu soo xoomay, iyada oo laga cabsi qabo in uu dhaco boob hantiyeed.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

Suuqa Bakaaraha waxaa uu ka mid yahay guud ahaa halbowlayaasha ganacsi ee ugu weyn marka la eego qaarrada Africa, waana goob ay ku uruursan yihiin hantida inta badan ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ku yaala xarumaha ugu waaweyn ee shirkaddaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ee dalka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]