4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Baraawe


Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta  dowlad gobolleedka KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.

Muhiimada safarka Madaxweynaha  ayaa ah in uu indha indheeyo xaalada deegaanka iyo guud ahaan mida Gobolka, waxaana shacabka u ballanqaadayaa in aan booqan doono dhamaan deeegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed islamarkaana ka shaqeyn doono sidii la iskugu furi lahaa deegaanada loogana xoreyn lahaa argagixisada ayuu yrii" Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, 

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya inta uu ku sugan yahay magalada Baraawe kullamo kala duwan la yeelan doona odyaasha dhaqanka, bulshada qeybahooda kala duwan, iyo maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo kan degamda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]