1/16/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Ma dhab- baa in UK Saldhig Militari ka sameysaneyso Somaliland


 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland.

Toddobaadkan waxaa magaalada Hargeysa markii ugu horeysay tagay xoghayaha Difaaca Britain Gavin Williamson oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

Somaliland waxaa horey u gumeystay Boqortooyada Ingariiska, walina waxaa ay raadineysaa in ay hesho aqoonsi caalami ah kaddib markii ay ku dhawaaqday in ay go'day Soomaaliya inteeda kale.

Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay warka ku saabsan in socdaalka xoghayaha difaaca UK  uu ahaa mid salka ku haya arrimo militari, balse taa badalkeeda waxaa uu sheegay in Gavin Williamson iyo madaxweyne Biixi ka wada hadleen arrimo dan u ah xiriirka Somaliland iyo Britain taasoo gacan ka geysan karta ayuu yiri in ay hello aqoonsi deg deg ah.

Booqashada xoghayaha difaac ayaa timid toddobaad uun kaddib  markii ay UK ku dhawaaqay in ay dooneyso in saldhig cusub ka hesho dunida inteeda kale kaddib ka bixitaankeedii midowga Yurub.

Dowladda Rushka ayaa horey u sheegtay in ciidamaddeeda badda saldhig militari uga sameyneyso deegaanka Seylac ee dhulka Somaliland, halka Imaaraadkana uu heshiis buuxa kula galay Somaliland in saldhig militari uu ka sameysto magaalada Berbera.

Somaliland ayaa u aragta booshada xoghayha difaaca UK  uu toddobaadka ku tagay Hargeysa mid ku soo jeedin karta Idhaha caalamka, madaama Somaliland tan 1991kii raadineysay aqoonsi caalami ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]








Click here
1/10/2019 1:51 PM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dab weyn oo inta badan magaalada Muqdisho laga arki karo uu qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

1/10/2019 11:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in Sool iyo sanaag bari ka mid yihiin Puntland.

1/10/2019 8:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka

1/10/2019 6:00 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.

1/10/2019 4:27 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobolleedka KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.

1/10/2019 2:28 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid lahaayene gobolada kale ee dalka.

1/10/2019 12:53 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa isaga baxay kulan uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuquraadiga ah ayadoo ay burbureen wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran maalintii 19aad.

1/10/2019 12:26 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Baay halkaa oo ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

1/10/2019 12:16 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada ururka Al-shabaab.