4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Duqa Muqdisho : Waa sanadkii dadka reer Muqdisho ka tashan lahaayeen aayahooda iyo Maqaamka Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid lahaayene gobolada kale ee dalka.

Arrinta ku saabsan ka hadalka Maqaamka Muqdisho ayaa noqotay lagama  hadlaan, tan iyo markii uu xilkiisa ku waayay Guddoomiyihii hore ee  Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, kaasoo sanadkii hore iclaamiyay  shirweyne dadka Muqdisho uga tashanayaan matalaadooda siyaasadeed iyo  sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen, waxaana taasi keentay inay isku  khilaafaan Madaxda sare ee dowladda, isla markaana xilka laga qaado.

“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii  dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii  Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon  lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in  shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha  Shacabka”ayuu yiri Eng. Yariisow oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Dastuurka KMG ayaa dhigaya in Muqdisho ay yeelato maqaam gaar ah,  iyadoo go’aan uu ka gaarayo Baarlamaanka Labada Aqal oo u codeyn doona  kama dambeysta sida ay noqoneyso maqaamka caasimadda.

Siyaasiyiin u badan dadka deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir ayaa marar badan oo hore dowladda ku dhaliilay in ay iska Idho-tireyso Maqaamka Muqdisho iyo in gobolka Banaadir uu helo matalaad la mid ah tan dowlad gobolleedyada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]