3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Dhacdooyinkii u waaynaa ee Somaliland ka dhacay sanadkii galbaday ee 2018-ka

 

Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Dhacdooyinkii u waaweynaa ee sanadkii tagay laga xusi karo Somaliland waxa ka mid ah dhacdooyinkan hoos ku qoran.

1. December, 21,2018, madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Wajaalle.

2. December 17, 2018, xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada oo ku heshiiyey in aanay doorashaddu dhaafin sanadka 2019 mar hadii ay dib uga dhacday muddii hore loogu qorsheeyey ee march, 2019.

3. December 15,2018, magaaladda Hargeysa waxa yimid wefti madax dhaqameed ka socda qoomiyada Oromadda ee Itoobiya, Madax dhaqameedkaaasi ayaa sheegay inay usocdaan is dhexgalka labada bulsho ee Oromada iyo Somaliland, waxaanay xuseen in Somaliland tahay dhuunta ganacsigoodu soo maro.

4. December 14,2018, ardayda maqalka naafada ka ah ee dhigta dugsi ku yaalla BOoramo oo ka mudahaaraday maamulkoodii oo laga bedelay.

5. December 12, 2018 , xukuumada Somaliland oo mustaafurisay dad ajanabi ah oo shaqooyin ka hayey Somaliland.

6. November 28,2018, guddida doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey in aanay doorashaddii ku qabsoomi Karin mudadii hore loogu cayimay.

7. November 24, 2018, madaxweyne Muuse Biixi oo markii ugu horeysay booqday ciidamada jiidda hore ee deegaanka Tuko raq.

8. November 12,2018, xukuumada Somaliland oo mamnuucday hoteeladii habeenkii lagu caweeyo ee fanaaniintu ka heesaan, waxaana loo qabtay wakhtiga ah 11:50 PM.

9. Octobar 11,2018, wasaaradda arrimaha dibada Somaliland oo soo qabanqaabisay shirweyne lagaga hadlayo wixii 27 sanno u qabsoomay Somaliland iyo siyaasada arrimaha dibada Somaliland jihadda loo leexinayo.

10. September 30,2018, gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ayaa xilkii iyo xubinimadii xisbiga laga saaray ka dib shir ay iskugu yimaadeen golaha fulinta ee xisbigaasi.

11. September 25,2018, Cabdikariim Qalbi dhagax oo ka mid ahaa jabhadda ONLF ka muddana ku xidhnaa xabsi ku yaalla Itoobiya, ayaa Hargeysa booqasho ku yimid.

12. September 11, 2018, Xukuumadda Somaliland ayaa si jujuub ah ula wareegtay haamaha shiidaalka ee Berbera, waxaana hore u maamuli jirey shirkado gaaar ah oo xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo ku wareejisay.

13. August 26,2018, Somaliland oo dib u celisay gaadiid badan oo laga soo baxsaday deegaanka Soomaalida Itoobiya.

14. August 15,2018, golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hor yimid xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu u gudbiyeen madaxtooyadda.

15. July 23,2018, ururka cilmi baadhista Soomaaliyeed ayaa shirkoodii ku qabsaday jaamacadda Hargeysa, taas oo ay iskugu yimaadeen aqoonyahano badan oo ka kala yimid ummadda Soomaaliyeed.

16. May 26,2018, Duufaantii dabaylaha watay ee ka dhacday xeebaha Somaliland, waxa kormeer ka dib ka hadlay oo kharaasuhu inta uu leegyahay Madaxweyne Biixi, waxaanu yidhi ““duufaantii dhacday meelo badan bay martay waxaanay dishay 49 qof oo toddobo qof ilaa hadda aan lahayn, waxa ku jiray shan caruur ah oo aan shan jir gaadhin, waxa dhaawacmay toddobaadan qof, sidoo kale 80% xoolihii way dhinteen oo geelii ugu adkaa ayaa kuwii xeradda ku jirayna dhinteen kuwii banaanka jiray way dhinteen, waxaanay dhimashadu ku badan tahay labada degmo ee kala ah Baki iyo Lughaya”

17. June, 18,2018, makhaayadaha Burco oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay kordhiyeen qiimaha shaaha, taasina waxay keentay inay dadkii shacabka ahaa ka mudaharadaan qiimo kordhintaasi.

18. May 20, 2018, maxkamada gobolka Maroodi jeex oo saddex sanno oo xukun ah ku riday boqor Buurmadow.

19. May 7, 2018, Madaxweyne Biixi oo cafis madaxweyne ku siidaayey abwaan Niciima abwaan Qoranne oo xabsiga Gabiley ku jirtay ka dib markii lagu eedeeyey inay arrimo qaranimadda ka dhan ah ku kacday.

20. April 24, 2018, shidaal xun oo dalka soo gallay ayaa sababay in kumanaan baabuur ahi waxyeelo ka soo gaadho.

21. April 4,2018, Alla ha u naxariisto Fanaanadda caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay nusqarni kana mid ahayd foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magaaladda Hargeysa. Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliyeed,isla markaana heeso la wadaagtay ama la qaatay inta badan ragga fanaaniinta ah ee waaweyn, waxaanay ahayd qof cod tolmoon oo sida loo hela yar tahay.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad ku beegan 1956-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Togdheer, waxaana fanka ku soo biirtay hilaadii 1969-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd 13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.

22. March 22,2018, xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo jeediyey inla kala diro guddida doorashooyinka oo ay sheegeen in aanay ku kalsoonayn.

23. March, 13,2018, xukuumada Somaliland ayaa gabi ahaanba ka joojiyey shirkadaha isgaadhsiinta in lacagta Mobile lagu shubto aan lagu shuban Karin ama la isticmaali Karin boqol dollar wax ka yar, taas bedelkeedana loo bedelo shilng Somaliland si loo yareeyo sicir barar lacagta ku yimid oo sababtay in shilingkii si weyn hoos u dhac ku yimaado, waxayna ahayd arrrimaha danyarta taabanayaey oo si weyn usoo dhoweeyeen, waayo ka hor amarkan waxa lacagta Mobileka lagu isticmmaali jiray uun dollar, taas oo keentay qiimo jabka lacagtii wadanka.

24. February 11, 2018, Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondaro ayaa xabsiga u taxaabtay sagaal qof oo loo qabtay Diiman la doonayo in la dhoofiyo.

25. January 28, 2018, Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye oo ahaa abwaan caan ka ah geyiga Soomaaliddu degto.

Abwaan Afgudhiye wuxuu ahaa gabyaa, majaajiliste iyo hal abuur heeso badan sameeyey, waxaanu koritanka fankiisa soo maray Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu heesaha badan ku sameeyey magaaladda Jabuuti.

26. January 6,2018, madaxweyne Biixi oo safarkii ugu horeeyey ku tagay dalka Jabuuti.













Click here
1/1/2019 1:41 PM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

1/1/2019 12:16 PM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo dhawaan kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa lagu cambaareeyay madaafiicdii maanta lagu weeraray xarun ay ku leeyihiin xerada Xalane.

1/1/2019 8:25 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe,halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

1/1/2019 6:56 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)-Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa banaan ee Somaliland ayaa soo saartay warbixin sanadeedka falalkii ka dhanka ahaa xuquuqda bani’aadanimada ee ka dhacay Somaliland.

1/1/2019 6:34 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaa ku dilay mid ka mid ah dhalinyarrada ku shaqeysata Gaadiidka Mooto Bajaajka.

1/1/2019 3:54 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2018 (HOL)-Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo maanta la dhaariyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa markiiba iska dhax-doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

1/1/2019 2:48 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2018 (HOL)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa siweyn uga hadlay heshiiskii dalkiisa uu la gaaray Mareykanka oo ku saabsanaa ka tanaasulka arrimaha horumarinta Nuclearka ee dalkaasi, wuxuuna ka dalbaday Mareykanku in uu fuliyo wax-yaabihii lagu heshiiyay.

1/1/2019 12:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1/1/2019 12:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa Qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dowladda Soomaaliya in faah faahin ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo sida uu u dhacay xarrigga Mukhtaar Rooboow.