4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo soo bandhigtay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo sanadkan dhacay

 

Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-banaan ee Soomaliland ayaa soo saartay warbixin sanadeedka falalkii ka dhanka ahaa xuquuqda bani’aadanimada ee ka dhacay Somaliland.

Sidoo kale, waxaa ay xarunta sheegtay in waxyaalaha horumarka ah ee sanadkan la sameeyey ay ka mid tahay xayiraaddii laga qaaday wargeyska Haatuf oo tan iyo sanadkii 2014 kii xidhnaa iyo sidoo kale xorriyadiisii loo soo celiyay Suxufi Maxamed Adan Dirir oo mudo dheer xidhnaa.

“ Sanadkan waxaa ay Xarunta diiwaan-gelisay xadhigaa 35 qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen. Dadkaas waxa ka mid ah 28 suxufi iyo 7 qof oo aan suxufiyiin ahayn. Tiro sii kordhaysa oo dad ah ayaa lagu qabsaday sanadkan aragti ay ku qoreen baraha bulshada gaar ahaan Facebook ga, Xanibado iyo amaro dhib ku ah warbaahinta ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland.

Sidoo kale,waxay xaruntu sheegtay in boolisku diwaan-galiyey 101 kufsi oo dhacay sanadkan, taas dhici karta in kuwo badan aan la ogaan oo aanay iman saldhigyada iyo maxkamadaha,

Xarunta ayaa ku tallisay in la joojiyo xadhiga sharci la’aanta ah iyo dadka aragtidoodda loo xidhayo, sidoo kale, dadka barakacayaaasha ayey soo jeedisay in adeegyadooda loo dhamaystiro, sida goobihii caafimaadka, suuliyadii, saldhigyadii iyo waxyaalaha kale ee aanay noloshu ka maarmi karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.