4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo guddoomiye ku-meel-gaar ah doortay



Talaado, Janaayo, 01, 2018 (HOL)-Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo maanta la dhaariyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe  ayaa markiiba iska dhax-doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa noqonaya xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da'da weyn mudanayaasha cusub ee baarlamaanka.



Golaha  oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa waxaa ka mid ah hal qof uu dumar ah oo kaliya, iyadoo 65  ka kale ee soo haray yihiin rag, mas’uuliyiin kala duwan oo saakay khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa  kuldardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay.

Sidoo kale golaha ayaa looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]