4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo u digay Mareykanka

Talaado, Janaayo, 01, 2018 (HOL)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa siweyn uga hadlay heshiiskii dalkiisa uu la gaaray Mareykanka oo ku saabsanaa ka tanaasulka arrimaha horumarinta Nuclearka ee dalkaasi, wuxuuna ka dalbaday Mareykanku in uu fuliyo wax-yaabihii lagu heshiiyay. 

Mr Kim Jon Un ayaa hadalkan jeediyay isagoo khudbad Sanadle ah u jeedinayay shacbka dalkiisa, wuxuuna sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay ka go’antahay ka tanaasulka Nuclearka iyo ballaarintiisa oo dunidu ay ka  walaacday, balse wuxuu muujiyay in weli Washington aanay ka soo dhalaalin  wax-yaabihii lagu heshiiyay.

Hadalka Hoggaamiyaha da’da yare ee Waqooyiga Kuuriya oo ay ku jireen ereyo u muuqanayay hanja-baadyo lagana sii daayay Televeshinka Qaranka dalkaasi ayaa muujiyay in dalkiisa uu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo sharafta, badaxbanaanida iyo danaha shacabka Kuuriyada Waqooyi.

“Hadii dowladda Mareykanku aanay fulin waxyaabihii lagu heshiiyay, ayna ku adkeysato in ay sii wado xayiraadaha iyo cadaadiska ay dalkey-na saarayso, waan ka bixi doonaa, waxaana raadinaynaa hab kale oo aan ku ilaashano madaxbanaanidena iyo danaha Qarankeeda”. ayuu yiri Mr Kim Jon Un.

Sanadkii hore hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in dalkiisu gaaray horu mar ballaaran oo laga sameeyay dhinaca Diplomaasiyadda markii uu heshiis-yo la gaaray Mareykanka iyo W/Kuuriya.

Horey waxaa ula kulmay hogaamiyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxaana Mr Kim uu dalbanayaa kulan labaad oo uu la qaato madaxweyne Trump.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]