Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda
Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada
Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah
ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee
Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.
Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka
miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga
saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee
dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay
miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed
waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo
hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in
miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo
Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan Dib-u-dhiska dalkooda.
“Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxaa ay ku
suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay
nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla
markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga
mahad-celiyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad wax-tar u
leh dadka iyo dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]