Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo
Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa Qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dowladda Soomaaliya in faah faahin ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo sida uu u dhacay xarrigga Mukhtaar Rooboow.
Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka imaan
karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay
inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo
dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale iyo weliba
qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood
ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan
48 saacood inkastoo la sii daayey muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.
Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in
dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.
Waxaa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammanaka
ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku
xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegya in Qaramada
Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada
booliiska Koonfur Galbeed.
Haysom ayaa sheegay in uu qoraal ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain
kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada booliiska
Koonfur Galbeed iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidanka booliiska
Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeedyey Taliyaha
ciidamada Koonfur Galbeed.
Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in warar lagu kalsoon
yahay ay u sheegeen in qabashda Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada
Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.
Waxaa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey
xarunta ciidamada 3-aad ee AMISOM oo ah kuwa kuwa Itoobiya kadibna lagu
wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.
Waxaa uu intaa ku daray in ay helay warqadii
Wasaarradda Amniga ka soo saartay xariga Roobow balse ee cuskatay in uusan ka soo
wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo in uu hub iyo ciidan soo galiyey
magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.
Haysom waxaa uu sheegay in haddii eedahaas la
xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxaa uu sheegay in aan weli
Roobow la hor keenin maxkamad, islamarkaana aan dambi lagu soo oogin.
Haysom waxaa uu ka dalabaday wasiirka Amniga
Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow in uu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo
cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii
ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.
Waxaa kale oo uu ugu baaqay in uu soo sheego
tallaabooyinka la qaaday si loogu baahdo xaaladda ay ku dhinteen dadkii dhintay
iyo kuwa dhaawacmay intii u dhaxaysay 13-15 kii Diisambar, ciidamada hawsha ku
jiray makrii uu socdeen banaanbaxyasa Baydhaba iyo su’aalo kale.
Xigashada Warkan VOA