4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Nabadoon lagu dilay Gaalkacyo

Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)-  Dabley hubaysan ayaa xaafad ku taalla bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo caawa ku dilay nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi (Baalle) oo aad deegaanka looga yaqaanay,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Kooxda dilka geysatay ayaa markiiba baxsaday,iyadoo ay howlgallo ay sameeyeen ciidanka amniga, balse ma jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay dilka nabadoonka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dilka nabadoonka oo ku soo aadday xilli amniga magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid wanagsan.

Saraakiil ka tirsan booliska oo la hadlay HOL ayaa sheegay inay wadaan howlgallada ay ku baadi goobayaan kooxda dilka ka dambeysay,waxa ay shacabka ka dalbadeen inay gacan ka siiyaan baaritaannada dilkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]