4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Wasiir SHIRE“Saldhigu kiro maaha ee waxaynu ku bedelanay inay inoo sameeyaan wadadda Berbera iyo Wajaale iyo Madaar cusub”

 

Sabti, Febraayo  09,   2019  (HOL)- Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire  ayaa sheegay in saldhiga aan la kireyn ee lagu bedeshay inay sameeyeen jidka Berbera iyo Wajaale u dhexeeya iyo garoon diyaaradeed.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay in sanadkan aanay ku jirin miisaaniyada qaranka kirada dekadda oo hore looga sii qaaday kiradii sanadkan, taasina ay sababtay in aanay ku jirin buuga miisaaniyadda.

Wasiirku sidaas waxa uu ka sheegay kulan lagu falanqaynayey miisaaniyada 2019ka oo uu wasiirka,xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo xisbiyada mucaaaradku goob joog ka ahaayeen, taas oo lagu soo bandhigya daldaloolooyinka miisaaniyada qaranka iyo inay u baahan tahay in wax laga bedello.

Wasiir Sacad oo ka hadlaya kiradda dekadda iyo sababta sanadkan aanay ugu jirin miisaaniyadda waxa uu yidhi “Horta way ku jirta kirada dekedu oo Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.”

Mar kale isagoo ka hadlay saldhiga Imaaraadka ka dhisanayo Berbera inuu kiro yahay iyo in kale, waxa uu yidhi “Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka, Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeyi in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,”

Si kastaba ha ahaatee, warkan cusub ee wasiirku sheegay ayaa dadkii madasha joogay ku abuurtay guux iyo u qaadan waa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.