Hiiraan Online
4/23/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhexe
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta halbeegyada ugu jira tubta horumarinta dhaqaalaha.
Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay'adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas'uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka
Kormeerka uu Ra'iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]