3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Taliska Qaybta Guud Ee Gobalka Banaadir Oo Dib Loo Dhisay

Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)-  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

Taliska Booliiska oo Ra'iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay.

Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
2/9/2019 4:13 PM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Dabley hubaysan ayaa xaafad ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo caawa ku dilay nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi (Baalle) oo aad deegaanka looga yaqaanay,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

2/9/2019 12:11 PM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in saldhiga aan la kireyn ee lagu bedeshay inay sameeyeen jidka Berbera iyo Wajaale u dhexeeya iyo garoon diyaaradeed.

2/9/2019 11:40 AM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta halbeegyada ugu jira tubta horumarinta dhaqaalaha.

2/9/2019 11:29 AM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa gaaray magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

2/9/2019 11:12 AM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi ka kooban toddobo xubnood oo loo saaray in ay soo darsaan qabadaha Puntland ka hor taagan doorashada xor ah oo ay dadweynaha ka qaybgalaan.

2/9/2019 10:50 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Diridhabe lagu caleema-saaray Ugaas Siyaad Da'ud Cumar oo noqday Ugaaska beesha Gurgure.

2/9/2019 10:47 AM EST
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in wada hadalkii uu hore u waday Turkigu aan wax midho dhal ah laga gaadhin, sidaas darteed, waxay dalbatay in dalal kale oo caalamka ahi qayb ka noqdaan wada hadalkaasi labada dhinac.

2/9/2019 10:03 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay askar ka tirsan ciidanka Booliiska oo la soo xir xiray kaddib markii ay dilal dad shacab ah ugu geysteen magaalada Muqdisho.

2/9/2019 9:45 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Madaxda Dekedda iyo Ganacstadda uu u raran yahay Markabkaasi waxaa ay sheegeen in uu Dekedda Muqdisho ku xoo xirtay Markab weyn oo ay saaran tahay 40,000 oo Tan oo Sokor Nadiif ah.

2/9/2019 8:09 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

2/9/2019 7:04 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Nin u dhashay dalka Kanada oo misaajid ku yaalla magaalada Quebec ku dilay dad misaajidka ku cibaadeysanayay sanadkii 2117-kii ayaa lagu xukumay xabsi daa'in.

2/9/2019 4:29 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in weerar dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji.

2/9/2019 4:04 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka.

2/9/2019 1:52 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan.

2/9/2019 12:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan ururka Al-shabaab.

2/9/2019 12:04 AM EST
Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay la gaaray heshiis hub ka dhigs ah Jabhadda ONLF, taasoo loo arkayo heshiiskii ugu weyn oo dhaxmara labada dhinac.