4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo la hor keenay warbixin ku saabsan sababta Puntland ay uga hirgeli la’dahay doorasho xor ah

Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)-  Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi ka kooban toddobo xubnood  oo loo saaray in ay soo darsaan qabadaha Puntland ka hor taagan doorashada xor ah oo ay dadweynaha ka qaybgalaan.

Guddiga ayaa sidoo kale ka tala bixiyay sida ay Puntland ku gaari karto doorasho qof iyo cod ah ,waxay soo jeediyeen in guddiga doorashooyinka ku-meelgaarka ah ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha deegaanka.

Xildhibaannada ayaa soo jeediyay  in xukuumadda Puntland ay la timaado qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah.

Baarlamaanka ayaa inta kaddib ka doodday tala soo jeedinta guddiga ,iyagoo cod gacan taag ah ku ansixiyeen tala soo jeedinta guddiga gaarka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC).

Kulanka waxaa fadhiyay 48 mudane ayaa waxaa tala soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diidday halka saddex kalana ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala soojeedintii guddiga gaarka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Deni ayaa ballanqaaday in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Hoos ka akhri tala soo jeedinta guddiga gaarka ah;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]