Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo la kulmay saraakiil ka socota Ciidanka Ingiriiska

 

Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng;Ciise Axmed Yuusuf Xawar ayaa xarunta wasaaradiisa ku qaabilay sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Itoobiya ee wasaarada Gaashaandhiga Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Colonel Matt Munro, oo ay weheliyaan madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown.

newsinside Kulan uu wasiirku la yeeshay saraakiisha ciidamada Ingiriiska ayaa la sheegay inuu saacado qaatay, waxaana laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada uu Ingriisku siiyo Somaliland.

Sidoo kale, weftigan Ingiriiska ayaa kormeeray dhismaha cisbitaalka ciidanka oo la wado iyo qaybaha kala duwan ee cisbitaalkii hore oo ay soo indho indheeyeen bukaanada kala duwan ee halkaasi ku sugan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.