4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2019
Dufcaddiii kowaad ee dhalinyaro imtixaan u gallay shaqo qaran oo la siin doono tobabar Militeri


Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HOL)-Kun iyo shan boqol oo dhallinyaro ah oo ku guulaystay imtixaankii shaqo qaran ayaa maanta si rasmiya u bilaabay tobobaradii lagu siinaayey dugsiga tobabarka ciidamda ee Dararweyne, kuwaas oo muddo saddex bilood ah ku jiri doonna.

Kun iyo shantan boqol ee shaqo qaran ayaa shan boqol ay yihiin haween, kuwaas oo iyaga magaalooyinka lagu hayn doonno, halka wiilasha Dugsiga tobabarka ciidamada lagu xareeyey si tobabar militeri usoo qaataan.

Dhallinyaradan lagu qaatay barnaamijka shaqo qaran ayaa ka kala yimid gobolada Somaliland, waxaana si rasmiya maanta u bilaabeen tobabarkooddii.

Barnaamijkan shaqo qaran ayaaa ka mid ahaa barnaamijyadii uu madaxweyne Biixi uu ololaha ku gallay ee uu u ballanqaaday dhallinyaradda, waxaana sanad walba la qaadan doonna kun iyo shan boqol oo wiilal iyo hablo iskugu jira, kuwaas oo marka tababarka soo dhamaystaan lagu kala qori doono hay’adaha dawladda ee kala duwan.

Dhallinyaradan ayaa ahaa kuwii jaamacada dhamaystay ee aan wax camal ah hayn, waxaana la sheegay in aan shaqaale dambe dawladdu qaadan doonin oo dhalinyaradan shaqada qaran lagu qaataay sanad walba lagu dari doono shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay madashii laga soo ambabixinayay ardaydaasi ayaa yidhi “waxaa si rasmiya gacanta dawladda u soo galay ardaydii ku soo baxday barnaamijka shaqo qaran, kuwaasi oo ku guuleystay imtixaankii ay mareen iyadda oo gabdhihii hore loogu xareeyay jaamacadda Nugaal, haddii aanu nahay maamulka gobolka Sool waxaa aanu aad ugu faraxsanahay, ardaydaa barnaamijka shaqo qaran ku guuleystay ee gobolka u soo baxday, tababarna u anbabixi doonta, maantana waa maalin weyn waxaaney wax u soo baran doonaan gobolka Sool”

Gudoomiyaha gobolka Togfheer Xamse Maxamed Cabdi oo isna soo anbobaxiyey dhalinyaradii shaqo qaran ayaa yidhi “Waxaanu halkan ka soo ambabixineynaa dufcadii koobaad ee ardayda barnaamijka shaqo qaran ee ku guuleystay imtixaankii ay galeen, kaasi oo ay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga taladda dalka haya ay ballanqaadeen wakhtigii ay ololaha ku jireen, in ardayda loo sameyn doono barnaamijka shaqo qaran, waaney ka dhabeeyeen balanqaadkaasi, waxaana halkan ka dhaqaaqi doonta dufcadii koobaad ee barnaamijka shaqo qaran u mateli doonta gobolka Togdheer, barnaamijkana waa mid waxtar u ah qaranka oo dhan, gaar ahaan kuwa aqoonyahanka ah ee ka soo baxay jaamacaddaha, waxaanu barnaamijkani fursad u siin doonaa markay dhameystaan tababarkan shaqa kasta oo qaranka Somaliland leeyahay”

Waalidiinta iyo dhallinyaradan shaqada qaran ku guulaystay ayaa ku faraxsanaa tobabarkan, waxaana maanta baraha bulshada ku dhigayeen iyagoo ku labisan direyskiii ciidamada oo tobabarkii loo bilaabay.

Talaabadan ayaa mid u fiican is dhexgalka bulshada iyo in dhallinyaro kala gobol iyo deegaan ah goob kaliya iskugu yimaadaan, kuwaas oo ay isbarasho iyo saaxiibtinimo ka helaya, marka saddexda bilood ee tobabarka ah qaataan, waxa mid waliba loo tobabari doona wax uu ku soo bartay inuu ku shaqayn karo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.